|
|

|

1da luulyo.....................................................................................................
Halkaan ka Daawo Taariikhda Soomaaliya
laga Bilaabo 1888 ilaa 1974 Qeebta 1aad
Halkaan waxa ka daawan kartaa Taariikhda Soomaaliya laga soo Bilaabo 1888 Ilaa iyo 1974 Waxaana ka helaysaa
Taariikhda Soomaaliya iyo Soomaaliya Sida ay Ahayd
Halkaan ka Daawo Filimka
|

|
Add your content here
|
| |
|
|
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Mareykanka ugu baaqay in uu gacan ka geysto Xasilinta
Dalka Soomaaliya iyo Dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed
 |
| Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi | Arbaco,
August 05, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay Dowladda Mareykanka
in ay gacan ka geysato xasilinta Dalka Soomaaliya iyo weli dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo weli ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka
Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu ka hadlay kulanka Nairobi ku dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
iyo Wasiirka Arrimaha DIbadda Mareykanka Hillary Clinton, wuxuuna sheegay in kulankaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalka
Soomaaliya.
Mar la weydiiyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Geeddi waxa uu hordhigi lahaa haddii uu heyn lahaa
xilka madaxweyne Shiikh Shariif oo kale waxaa uu sheegay in uu hordhigi lahaa in Mareykanka uu gacan ka geysto xasilinta dalka
Soomaaliya iyo arrimaha Dib u heshiisiinta.
Prof. Geeddi oo la sii weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush iyo midka
hadda xilka haya Brack Obama waxaa uu sheegay in ay labadaba ka mideysan yihiin in xasilooni loo helo Caalamka.
Waxaa la weydiiyay Prof. Geeddi in ay la tahay in uu Madaxweyne Shiikh Shariif ka codsado Mareykanka in Liiska argagixisada
laga saaro xubno ka tirsan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay Prof. Geeddi in ay arrintaas
muhiim tahay, uuna weliba kula talinayo Madaxweyne Shiikh Shariif in uu sidaas yeelo.
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee liiskaas ku jira ayuu iyana u ishaaray in ay dan ugu jirto Soomaaliya xasilooni hesho,
wuxuuna carrabka ku dhuftay in qof kasta oo siyaasad uu damac kaga jiro in ay u wanaagsan tahay dalka oo xasiloon.
Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in kulanka
dhexmaraya Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Hillary Clinton ay yididiillo wanaagsan ka soo bixi doonto, isagoo caddeeyay in Mareykanka
uu haatan u muuqdo in uu doonayo in uu ficil u bedelo hadalladii afka ahaa ee uu ku wajihi jiray Arrimaha Soomaaliya.
|
|
|
|
Photos: AP Xoghayaha Dowladda Mareykanka Marwo Hillary Clinton iyo Madaxweynaha Soomaaliya
Mudane Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka
Hillary Clinton ayaa maanta Kullan ku yeeshay Magaaladda Nairobi, labadan Mas’uul ayaa ka wada hadalay xaalada dalka
Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.
Kulanka oo ahaa mid
albaabada u xirnaa ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Shariif u gudbiyay warbixin
ku saabsan Xaalada dalka iyo baahida ay Dowladda u qabto sidii ay taageero ballaaran u heli laheyd.
Shir Jaraa'id oo
ay si wada jir u qabteen Kulanka kadib ayaa waxaa ku horeysay Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka, waxaana
ay cadeysay inay taageerayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Hillary Clinton ayaa cadeeysay in Maamulka cusub ee dalka Mareekanka ee uu Hogaamiyo madaxwayne Barack Obama ay taageero
hiil iyo hool ah la garab taagantahay dowladda Somalia.
“Aniga iyo Madaxwayne Obama waan sii balaarin doonaa
taageerida Dowladda Somalia”. Ayay tiri Hillary Clinton iyadoo intaasi ku dartay “Waxaan ka wada hadalnay xoojinta
xiriirka labada dal ee ugubka ah, ujeedadeena waxay tahay inaan gacan ka geysano duruufo keena xasilooni, dalala deriska ay
joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya".
Hillary Clinton ayaa inta badan hadalkeeda u badisay in ay kaga
hadasho ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay Somalia ay noqoto meel ay gabaad ka dhigtaan waxa ay ku
tilmaamtay Argagixisada Caalamiga ah. Clinton ayaa Al-shabaab ku tilmaamtay in ay yihiin koox Argagixiso oo Firkado shisheeye
fulinaya.
*Faragalin aan la akh bali Karin*
Hillary Clinton ayaa dalka Eritrea ku eedeeysay in ay faragalin aan loo
dulqaadin Karin ku heeysa dalka Somalia. Cilinton ayaa dowladda Eritrea ku tilmaamtay in ay hubeeynayso Kooxaha Islaamiyiinta
ee Somalia iyadoo ugu hanjabtay Eritrea haddii aysan joojin Faragalinta ay ku heyso Somalia in talaabo cad laga qaadi doono.
Intaasi
kadib Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso dhibaateynta ay ku heyso
Soomaaliya hadii ay wax qabtana ay miiska hadalka timaado.
“Dowladda Eritrea wali waxay heesataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay isaga sixi karto”, ayuu
yiri Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed.
Kulanka labada dhinac oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay Soomaaliya
iyo sidii dowladda Somalia ay dalka oga xoreen laheed kooxaha lagu tilmaamay in ay yihiin Islaam diidnaka.
Hillary
Clinton ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyadoona cadeysay in 150-milyan
oo doolar ay ku bixiyaan AMISOM sidii ay u caawimi lahaayeen Dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee
noociisa Madaxweyne Soomaaliyed uu la qaato Mas'uul sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka tan iyo markii ay dhacday Dowladdii
hore.
Anigoo ka mid ahaa wariyaashii Kullanka lagu casumay ayaan Madaxwayne Shariif oo markii uu Shirka Jaraa’id Dhamaaday
gacan qaaday Hillary Clinton aan wax ka waydiiyay sida dadka Somaliyeed ay u arki garaan in uu gacan qaado Haweeney aan Islaam
aheyn isagoo Madaxwayne Shariif iigu jawaab “Ibraahim Su’aashaadu waa raqiis”, iyadoo wax hadal ah
uusan intaas ku darin.
Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya
ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal
Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya
u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary
Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin
kale.
|
|
| |
 |
| 5.JPG" WIDTH="1" HEIGHT="3"> |
|
|
|
| | |
|
African leaders have agreed to empower the African Union and give it a role in coordinating defense
policy and trade negotiations, paving the way for the creation of "United States of Africa."
 |
Prof. Cali Maxamed Geedi “Dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Rai'sul
Wasaare Cumar Cabdirashiid qudheedu ay khalad gashey ka dib guuldarradii ka soo gaartey Dowlada ..” (guji-riix) SMC /Mogadishu/05-July-2009 |
|
|
|
Add your content here
|
Madaxweynaha Soomaaliya Sidee
Maanta loo soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
isagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya oo uu kulamo kula soo qaatay xubno ay ka mid aheyd Xog-hayaha
arrimaha dibedda Mareykanka Mrs. Clinton.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle International ku soo dhoweeyey R/wasaaraha Xukuumada Dr. Cumar
C/rashiid Sharmaake, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo haweenka gobolka Banaadir oo ay horkacayeen guddoomiyaha
gobolka Banaadir iyo ku-xigeenadiisa.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay safarkiisa Wasiirada Arrimaha dibedda iyo Gaadiidka Dekedaha, C/llaahi
Omaar iyo Cali Jaamac Jingili, waxaana madaxweynuhu uu mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiintii halkaasi ku soo dhoweysay.
Madaxweynaha ayaa loo soo galbiyay Xaruntiisa madaxtooyada halkaasoo ay ku sugnaayeen guddoomiyaha baarlamaanka
iyo xubno xildhibaano ah.
Dhinaca kale, madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa loo soo tuuray dhanka madaxtoyada iyo Garoonka ka hor inta aanu
soo degin madaxweyne Shariif kuwaasoo dad rayid ah ku waxyeeleeyey xaafadaha ku dhow dhow madaxtooyada, sidoo kalena xaafadaha
ku dhow dhow Garoonka ayaa waxaa ku geeriyooday dad kale oo rayid ah, gaar ahaana xaafada Buulo-xuubey.
|
|
|
Add your content here
|
| Xiriirka Soomaaliyeed Ee Shataranjiga Oo Qalab Isboorti Guddoonsiiyay Qaar Ka Mid Ah Iskuulada Magaalada
Muqdisho |
|
 |
Muqdisho, 11-04-2011 - Guddoomiyaha guddiga iskuulada G/Banaadir Md. Maxamed C/llaahi oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka
munaasabadda guddoonsiinta qalabka isboortiga ayaa uga mahad celiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Soomaaliya oo dardar
geliyay taabagelinta howshaasi, wuxuuna sheegay in xiriirka Shataranjiga uu u halgamayo sidii dalka loogu fidin lahaa ciyaarta
Shataranjiga, isla markaana hirgelinta arrintaasi ay door ka qaataan iskuulada gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in
Md. Maxamed C/llaahi in guddigooda iyo xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ay gacan ka siinayaan dugsiyada in ardayda iskuulada
iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira ay si wadajir ah uga hirgelinayaan manhajka dalka inay qeyb ka noqoto ciyaarta Shataranjiga,
isagoona uga mahad celiyay Guddoomiyaha Xiriirkaasi Md. Axmed Cabdi Xasan Wataac inuu isagu door lixaad leh ka qaatay isla
markaana dhaqaale ku bixiyay sidii loo gaarsiin lahaa ciyaarta Shataranjiga dhammaanba goobaha waxbarashada ee dalka.
Dhinaca
kale Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Md. Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa
sheegay in dugsiga Ma'muur iyo dugsiyo kale lagu wareejiyay ilaa 10-Miis oo ah nooca lagu ciyaaro amaba lagu baro ardayda
ayna dhexda uga yaalaan garoomada lagu ciyaaro Shataranjiga.
Waxaa kale oo lagu wareejiyay maamulada Dugsiyadaasi qalab
kale oo loo isticmaalo ciyaarta Shataranjiga oo ay ka mid tahay saacadda lagu cabiro iskoorka ciyaarta labada qof iyo wixii
ka sii badan.
"Ciyaarta Shataranjiga ma lahan da' yaraan, naafo, caruur, waxaa ciyaari kara qof kasta haddii ay waayeel
tahay, caruur tahay iyo haddii ay naafo tahay, waxaan ciyaari karin oo kaliya qofka dhimirka la'" ayuu yiri Guddoomiye Wataac
oo sheegay in qalabka Shataranjiga ay maanta wareejiyeen uu yahay wejiga koowaad, wuxuuna ugu baaqay maamulada dugsiyada waxbarashada
iyo dalladaha u diyaar garoobay inay goobahooda waxbarasho ku daraan Shataranjiga.
Dhinaca kale waxaa munaasabadaasi
ka hadlay Guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji yabarow (Wiish) oo uga mahad celiyay Xiriirka Shataranjiga
Soomaaliya iyo guddiga dugsiyada G/banaadir iyo waliba maamulada dugsiyada oo iska kaashanaya sidii loo horumarin lahaa ciyaarta
Shataranjiga, wuxuuna sheegay Md. Wiish in dhowaan Guddiga Olombikada uu ku abaal marin doono howlaha baaxadda leh ee uu u
wado Shataranjiga, wuxuuna Wiish ku tilmaamay Xiriirka Shataranjiga Guddoomiyihii Md. Wataac mas'uul taariikhda baal dahab
ah ka geli doona.
Munaasabadda qalabka Shataranjiga lagu guddoonsiinayay maamulada Iskuulada Dugsiyada Ma'muur iyo
Macruuf ayaa iyana ka mahad celiyay qalabkaasi, iyagoona sheegay in dhinacooda gacan ka geysan doonaan sidii ay u saari lahaayeen
jiil xirfadoodu tahay Shataranjiga, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay filimo ku saabsan ciyaarta Shataranjiga adduunka iyo
waliba taariikhda ciyaarta Shataranjiga, waxaana Guddoomiyaha Shataranjiga Soomaaliyed Md. Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ka qeyb
galayaasha u fasirayay borogaraamyo ku saabsan Shataranjiga.
Isha: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
| Labo haween muslim Ah Oo Lagu Xiray Baariis (Paris), Faransa |
|
 |
Baariis, 11-04-2011 - Booliiska dalka Faransiiska ayaa xabsiga dhigay labo haween muslimiin ah oo ka qeyb qaadanayey mudaharaad
balaaran oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Labada haween ee la xiray ayaa watay niqaabka ama indho
shareerka oo dhawaan laga mamnuucay dalkaasi France.
Dowlada France ayaa hada hirgelisay sharciga ah inaan indho shareerka
lagu qaadan Karin goobaha bulshada isugu timaado iyo xarumaha dowlada.
Go’aankan ayey si weyn uga soo horjeedeen
qaar badan oo kamid ah muslimiinta ku dhaqan dalka Faransiiska oo u arka sharcigan mid ku xadgudbaya madax banaanida muslimiinta
iyo diintoodaba.
Labadan haween ee maanta lagu xiray magaalada Paris ayaa ayagu ka qeyb qaadanayey mudaharaad looga
soo horjeedo go’aanka dowlada France, waxayna noqonayaan kuwii ugu horeeyey oo loo xiro inay wateen indho shareer.
Isha:
Horseed Media
|
| Madaxweynihii Doorashada Looga Adkaaday (Lourent Gbagbo) Oo La Qabtay |
|
 |
Abidjaan, 11-04-2011 - Madaxweynihii dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa la qabtay, ka dibna xabsiga la dhigay.
Madaxweynihii
diidanaa xil wareejinta ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa la qabtay Isniinta maanta ah, waxaana loo dhaadhiciyay xabsi.
Mr.
Gbagbo oo tan iyo doorashadii madaxtinimada ee November ka dib diiddanaa inuu xilka wareejiyo waxaa laga soo qabtay gurigiisa
magaalada Abidjan, ka dib markii ay maanta hawlgal wadajir ah gurigiisa ku qaadeen ciidamada taabacsan madaxweynaha caalami
ahaan la aqoonsan yahay ee dalka Ivory Coast Alesan Outtara iyo kuwa faransiiska.
Qabashada Mr. Gbagbo waxay soo afjareysaa
is mari waa siyaasadeed oo ka taagna dalkaasi muddo afar bilood ah, tan iyo markii doorashadii madaxtinimada ee november ay
ka dhacday dalkaasi.
Isha: VOA Somali |
| Dowladda Liibiya Oo Ogolaatay Qorsho Nabaddeed |
|
 |
Tiriboli, 11-04-2011 (Banaadir Weyne) - Dowladda Liibiya ayaa ka ogolaatay Midowga Afrika Qorsho Nabadeed oo lagu dhameynayo
iskahorimaadyada dalkaasi ka jiray sideeddii todobaad ee lasoo dhaafay.
Warka wuxuu intaa ku darayaa in golaanshaha
Dowladda Liibiya ay timid kadib markii ergo ka socotay Midowga Afrika ay la hadleen shalay Madaxweynaha Liibiya Mucamar al-Qaddaafi.
Ergada
Midowga Afrika ee la kulantay Madaxweyne Qaddaafi waxaa horkacayey Madaxweynaha Koofur Afrika Yacquub Suuma; waxaana la socday
seddex hogaamiye oo Afrikaan ah.
Ergadan ayaa hada la sheegayaa iney usii gudbeen Magaalada Benqaasi; waxeyna ujeedadooda
tahay iney wadahadal la yeeshaan Xoogagga Diidan Dowladda Qaddaafi, si markaasi Qorshaha Nabaddeed ee Midowga Afrika u hirgalo.
Inkastoo
Ergada Midowga Afrika ay wado Qorshaha Nabaddeed isla markaana ka ogolaaday Qaddaafi, hadana waxaa sii socdo dagaaladii u
dhexeeyey Dowladda Liibiya iyo Xoogagga Diidan Dowladda oo garab kasii helayo Gaashaanbuurta NATO.
|
| Nin Dooran, Doorta Xaad U Tireen; Dakana Xaad U Dembaajiseen |
|
 |
Jabuuti, 10-04-2011 (Banaadir Weyne) - Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa la doortay markii 3aad maalintii jimcaha ay bisha
aheyd 08-04-2011.
Hase ahaate, Mudane Ismaaciil Cumar Geele waaba uu doornaa. Sidaasi darteed, nin mar horaba dooran
ayaa Aduun Weynaha loo sheegayey in la doorto.
Marka qaabka doorashada u dhacday, waxey u muuqatay Doorashaddii Jeneraal
Maxamed Siyaad Barre ee sanadkii 1979; markaasoo Jeneraal Siyaad loogu shirbay "Nin Dooran, doorta xaad u tireen; dadkana
xaad u dembaajiseen".
12 sano kadib, waxaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre loogu soo galay "Villa Somalia"; kadibna waa
uu fakaday.
Miyeyna marka Mudane Ismaaciil Cumar Geele ku dhici karin, wixii ku dhacay Jeneraal Siyaad? |
| Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed Oo Muqdisho Kusoo Laabtay |
|
|
Taliyaha Cusub Ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Jen. Shariif Sheekhunaa Maye Oo Xilkiisa La Wareegay |
|
 |
Muqdisho, 11-04-2011 - Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xilkiisa, kaddib xaflad ka
dhacday dugsiga sare ee booliiska, isagoo sheegay in ciidamada booliiska looga baahan yahay inay nabadda Muqdisho soo celiyaan.
Jen.
Shariif Sheekhunaa Maye oo xilkan loo magacaabay horraantii bishan ayaa xalfadda uu xilka kula wareegayay waxaa goobjoog ka
ahaa wasiirro ka tirsan DKMG ah iy xildhibaanno, kuwaasoo hadallo ay ka jeediyeen xafladda kaga hadlay shirka ka dhacaya Nairobi,
iyagoo ku tilmaamay inuu yahay shirqool lagu kala jarayo Soomaaliya.
"Ciidanka booliiska waxaa saaran waajib muqadas
ah oo ah inay nabadda Muqdisho soo celiyaan, ayna ka hortagaan kuwa amaan-darrada ka wada caasimadda," ayuu yiri Jen. Maye
oo ka hadlay xafladda.
Taliyaha cusub ee booliiska oo salaan sharaf ka qaatay boqolaal ka tirsan ciidanka booliiska
Soomaaliya oo uu tababar uga socday Iskoolka booliiska ayaa tacsi u diray askar ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo Xarrakatul
Shabaab ay bishii hore la beegsatay askar tababar ku qaadanayay saldhigga Sarandi ee degmada Xamar-jajab.
"Mar haddaan
danta Qaranka ka shaqeynayno dhaawac iyo dhimasho waa lagama maarmaan inay yimaadaan, balse muhiimaddu waa in wax laga qabto
ammaanka Muqdisho, waayo dadku waxay u baahan yihiin inay helaan nabad ay ku shaqeystaan," ayuu yiri taliyaha cusub ee booliiska
Soomaaliya.
Jen. Shariif Maye ayaa ka mid ahaa taliyeyaal uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ciidanka
booliiska iyo milateriga Soomaaliya, lamana oga sida uu wax uga qaban karo ammaanka Muqdisho oo taliyeyaashii ka horreeyay
ay wax ka qaban waayeen.
Isha: HOL
|
|
|
|
|
Add your content here
|
|
Friday
|
|
|
Add your content here
|
|
 |

|
 |
|
|
 |
|
|