welcomehand.gif

Specials of the Month

Home | About Us | Contact Us | Activities | Facilities | Gallery of Photos | Map | Specials of the Month | New Page Title

Warqad furan oo kusocota beesha ceyr 2-aad

Raad raaca kooban oo kusaabsan hadalada hogaamiyaha beesha ey intooda badan taabacsanyihiin.. si beesha ey ufahamto hanaanka hogaamiyaha ay taabacsantahay

Sheikh xasan daahir aweys..

Isweydiin?


1. Sheekhu wuxuu sheegay in shareecada lagu dhawaaqay tahay mid Ameerikaan raalli ka yahay , hadaba waxaa isweydiin leh sheikh ma waxuu raadinaya Shareeco ay qasab tahay in Maraykanku ka caroodo oo haddii uu ka xanaaqi waayo ay tahay in lasii adkeeyo ilaa Maraykanku ka caroodo, maxaase Soomaali dan ugu jirta in Maraykanka ay isku taagto ama ka caraysiiso mase ka xanaajinta Maraykanka waxay ahayd hadaf isna loo dagaallamayey! Sheekhu miyuusan ogayn in maamulkii Maraykanku is bedelay oo kii mayal ka adkaa ee Bush uu ka haatan jiraahi ee Obama ka yara dabacsan yahay? Sowse Sheekhu qudhiisa kama dalbanayn in Obama wax ka badalo siyaasaddii Bush ee Soomaliya ku wajahnayd sideese hadalkan isu qabanayaa?

2. Sheekh Xasan waxaa kale oo ayaan darro uu ku tilmaamay iyo wax lala yaabo in maanta sheikh Shariif Mujaahidiintii laga waardiyaynayo! Su’aasha ayaa iyana u baahan in dhanka kale laga eego oo la isweydiiyo waxa mujaahdiintu ay u doonayaan in sheikh Shariif ay weeraraan ama u dhiig xalaalaystaan mar haddii uu yahay islaamiiste iyaga soo hogaamiyey, kuna baaqay in shareecada dalka lagu dhaqo iyadiina wada balse kaliya waxa isku qabteen ay tahay wadada nabadda loo marayo inay dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq uun noqoto iyo in diblomaasiyad lagu daro taasoo u muuqata inuu kaga gal lahaa mar haddii wadadii uu maray ay keentay in Xabshina dalkii ka baxdo maamulkii TFG-na ay raggii Isbahaysigu haatan hogaaminayaan.
3. Haddii maanta oo ay dawladdii hogaaminayaan madaxdii isbahaysiga ARS, kuna dhawaaqday shareecada in lagu dhaqmayo maxay tahay sababta ay weli xabadda usii ridayaan xoogagga muqaawamada. Hadiise dib loo eego heshiikii Khartuum ee fashilmay ka dib markii ay maxkamaduhu wax wadahal ah sii wadayn ilaa xabashida joogta Baydhabo dalka ka baxdo maxay ahayd waxa ay maxkamaduhu ama Sh Xasan iyo raggiisa filayeen in ay dawaladdii C/llaahu Yuusuf kula heshiin kareen hadiiba ay Itoobiyaanku ka bixi lahaayeen Baydhabo? Ma waxay codsan lahaayeen in ka badan shareecada oo dalka lagu dhaqo iyo awood qaybsi ay qeyb muuqata ku helaan ? Haddii ay taas tahay sow maanta ma hayaan? Mase waxaa u qorshaysnaa inaysanba la heshiin oo uun isku dayaan inay talada dalka kaligood xoog ku qabsadaan? Maantase mataa bay doonayaan ah inay xoog kaligood wax ku qabsadaan oo Xisbul Islaam iyo shabaab qoriga ku doonan talada dalka dhiig kasta haku daatee?
4. Ciidamada AMISOM hadii la oran jiray shareeco ayey hor taagan yihiin maantase iyagii oo jooga baarlamaanka uu ansixiyey ku dhaqanka shareecada oo aysan shaqano taa ku lahayn ciidamadan maxay tahay sababta bixitaankooda loogu xirayo nabad la gaaro mar haddii ay yihiin ciidamo ku xareysan meelo kooban oo aysan jirin isku day ay goob uga qabsanayaan shabaab ama xisbul islaam? Maxaa diidaya in dawladda iyo mucaaradkuba ka wada hadlaan sidii ay si nabad ah arrimaha hor yaalla uga wada xaajoon lahaayeen taasoo haddii ay isku afgartaan noqon karta wada ay ciidamadani dalka uga baxaan oo nabdoon halka lagu adkaysanayo in la wado dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo aan ciidankaasina wax muuqda lagu gaarsiin karin shacabkiina lagu aafaynayo? Cidda xabadda loo sitaana ay tahay sheikh Shariif iyo xukuumaddiisa oo shareecadii qaatay?!
5. Haddii arrintu ay san shareeco ahayn ee ay tahay anaa mudan inaan sharecada wax ku xukumo ee kuwan ma istaahilaan maa shacabka cod loo soo wada doonto halkii xoog iyo boob xukun la isku dili lahaa?

Laba sano ayuu wuxuu seexanayay Five Star Hottel, wuxuuna cunayay sidoo kale 12345, aaway haddii la raadinayo oo uusan Gaalada la shaqaynaynin siduu kaga badbaaday labadii sano ee ugu danbeysay, iskaba daaye sanadadii hore, taa waxay kuu cadaynaysaa in uu fulinaayao dana gaar ah tan koowaad in reerkiisa noolaadaan lacag yeeshaan ayagana xukumaan ummaada Somaliyeed, tan kale heshiis ayaa lala galay oo ah in asiga looadeegsado burburka somaliyeed maadaama cidiisa weli waxay rabtay aysan gaarin oo ahayd in ay kaligood noolaadaan,kaligood dhaqaalo yeeshaan , xukumaana umadda Somaliyeed.Taa waa uu ku kashifmay waxaana leenahay ma lgu baryaayo oo qof Ban,aadam ah ayaa la baryaa oo Illaah yaqaano, na hor dhaaf Ilaah hanaga kaa hor dhaafiyee aamiin,aamiin,aamiin.Shacabka Somaliyeed Dowladiina taageera oo maant ka dib ka Caqliyaysta umadaas idiin hortaagan danahooda awgood.Sidaa iyo inaad ka tashataan Daahir oo kale oo asiga laga bilaabo

Xasan Dahir iyo Xisbul Islaam.

Xisbul Islaam, ma foga waa niman iyagana Xukun doon ah,waxay raadinayaan Xukun oo kaliya, si ay Xukunka u helaan dagaalka waa ay sii wadayaan.

Sh Xasan Dahir Aweys odaygan Noloshiisa waa Xukun doon,wuxuu la yaaban yahay amaba ceeb u arkaa inuu wax ka doonto nin isaga shalay soo bixitaankiisu Siyaasadeed ka dambeeyay waa Shariifka.

Sh Xasan mid ka mid ah Caruurtiisa kuma noola Somaliya,qaar waxay degan yihiin dalka Masar qaar kalena London,marka Caruurta dhimanayso kuwiisa ma aha,ilaa iyo isaga Xukunka dalka ka qabsado waa uu dagaalamaya ama waa uu dhimanayaa

Xasan Dahir uma jeedo Umaddan dhimanaysa ee qaarna Madfac lagu laayay qaar kalena badda ku dhamaadeen,waxaa uu u jeeda dantiisa gaarka ah xitaa haddii hal qof badbaadin dantiisa ma aha
Haddaba haddii la soo koobo, Micnaha dagaalka iyo Ujeedada ka dambeysa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxay tahay”Waa in lagu dhaqmaa Kitaabka, aniga ayaa wax ku Xukumaya, cid kale ma jirto.

1-Daahir Aweys, hogaamiye diimeedka aadka uga soo horjeeda Dawlada Midnimada Qaran ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Sharif Shiikh Axmed…. TAASNA ISLAMKA WAA UU REEBAY…

??? ???? ?????:- (?????? ???? ??????? ?????? ????? ????? ????)

2-Xasan oo haatan Asmara ka yimid ayaa sheegay inuusan wax wadahadal ah la galayn dawladda ku meel gaarka ah oo dadka qaarna ku sheegan midnimada qaran ama dawlad islaami ah ka dib markii baarlamaankeedu ansixiyeen ku dhaqanka shareecada

F.G. waan soodhaweenayaa afkaarta c/qaadir orama oo sida muuqata taageeaya sh.hassan iyo afkaarta cusub ee al-shabaab iyo kuwa kuwada beesha iyo beelaha kale mustaqbalka mugdiga ah .. waana nasiib darro in qoraa somaliyeed uu sidaas wac u'diinwaangaliyo..oo taariikhdii iyo cilimadii xalaasha aheed uu dhinamaro … ..

Waxaa diyaariyay :-

Aqoonyahaniin madax banana oo beesha katirsan

E-MAIL

SHAAKIRALI@HOTMAIL.COM

Spots are running out. Contact us as soon as possible to book this great adventure:

Our Recreation Company
Any Street
Anytown, US 01234

Phone: (800) 555-1212

E-mail:

info@recreation.com

07946852763

Vermont Horseback Riding Trip





Cali Maxamed Geedi
Ra’isulwasaare Geedi kama war qabo, shaqana looma soo dirin xubnaha golaha wasiirada ee aaday Muqdisho.