welcomehand.gif

Home | About Us | Contact Us | Activities | Facilities | Gallery of Photos | Map | Specials of the Month | New Page Title

c.jpg


Ra’iisal Wasaare Geedi oo sharci darro ku tilmaamay magacaabistii Taliyayaasha Booliska iyo Waaxda Socdaalka ee uu Sameeyay Maxamed Qanyare Afrax

Axad, April 10, 2005(HOL)@06:37GMT: Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday in aaney sharci ahayn magacaabistii Taliyayaasha Booliska Soomaaliyeed iyo Waaxda Socdaalka ee uu sameeyay Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Md. Maxamed Qanyare Afrax.

Ra’iisal Wasaaruhu waxaa uu sheegay in uusan Maxamed Qanyare Dikreeto ku magacaabi karin saraakiil dowladeed, balse uu leeyahay kaliya soo jeedin, wuxuuna caddeeyay in uu isagu markaasi kadib ku dhawaaqi karo magacaabista.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu waxaa uu ka hadlay magacaabistii uu sameeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo uu u wada magacaabay Md. Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde), wuxuuna magacaabistiisaas ku tilmaamay mid sharci ah oo la tashi ku saleysneyd.

Prof. Geedi oo ku sugan dalka Liibiya ayaa intaas ku daray in ay Xukuumaddiisa ku jiraan xubno faro ku tiris ah oo fowdo u joog ah, kuwaasoo aan rabin in ay shacabka Soomaaliyeed dowlad helaan, isla markaana ay dhibaatada ka baxaan, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in aysan xubnahaasi hirgashan doonin doonistooda ah in dalka iyo dadku ay ku dhibaatada ku sii jiraan.

Waxaa uu sheegay Prof. Geedi in howlihii ay u joogeen dalka Liibiya ay u soo dhamaadeen, isla markaana ay dhowaan ku soo noqonayaan Nairobi, iyadoo kadibna ay dowladda u guuri doonto Soomaaliya, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu ka baqayo in uu Muqdisho yimaado, wuxuuna caddeeyay in Muqdisho uu ku dhashay, una dhashay, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta in uu yimaado.

Waraysi Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi Arbaco, April 13, - Prof Geedi ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd Radio FM ah oo ku yaala Baladweyne dhambaal ugu gudbiyay shacabka Reer Hiiraan hadaba maxuu ku saabsanaa dhambaalkaas, iyo dhowr su'aal oo kale ayaanu waydiinay, waxaana waraystay Daadir Xalane oo ka mid ah Tafatirayaasha HOL

Prime Minister Somalia Ali Mohamed Ghedi
somprimeministermenu.jpg
ku soo qor @meelkan
Midnimo Information Center
C/raxiin Ciise Caddow "Aniga Muqdisho kama soo cararin, Nairobi waxaan u joogaa...."
This article has been Published at: 16-05-2009 and has been viewed 514 times
Afhayeenka Howl galada Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiin Ciise Caddow oo haatan socdaal caafimaad ku joogo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu Muqdisho sababo ammaan uga soo cararay, kadib markii Maxkamadihii uu ka tirsanaa laga itaal roonaaday.

Afhayeenka Howl galada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo haatan socdaal caafimaad ku joogo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu Muqdisho sababo ammaan uga soo cararay, kadib markii Maxkamadihii uu ka tirsanaa laga itaal roonaaday.

C/raxiin Ciise Caddow ayaa tibaaxay in aanu jirin haba yaraatee cabsi uu uga baxay Muqdisho, hase ahaatee uu arrimo Caafimaad uu u soo aaday Magaalada Nairobi.

"Aniga waxaan Nairobi u soo aaday arrin aniga ii gaar ah, waana Caafimaad, bishii April ayay qorshaheyga aheyd"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo u muuqday mid iska fogeynayay in socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli dagaalo ka holcayaan Magaalada Muqdisho, isla markaana inta badan Magaalada looga itaal roonaaday iyaga iyo Dowladda ay taageerayaan.

Waxaa uu sheegay in fasax uu ka soo qaatay Mas'uuliyiinta isaga ka sareysa, isla markaana uu maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

"Aniga fasax ayaa waxaa ka soo qaatay Mas'uuliyiinta aniga iga sareysa, waana ku laaban doonaa Magaalada Muqdisho"ayuu mar kale ku celiyay C/raxiin Ciise Caddow oo caan ku ahaa Saraakiishii ugu sareysay ee Kooxaha Muqaawamada, balse haatan ay ka takoormeen Kooxihii kale ee Muqaawamada, kadib markii ay is khilaafeen, isla markaana ay dagaalameen iyaga iyo Kooxihii kale ee awal isku mabda'a ka ahaa la dagaalanka Ciidamadii Ethiopianka.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii warar soo baxay ay sheegayaan in Afhayeenka Maxkamadaha Sheekh C/raxiin Ciise Caddow uu sababo ammaan uga cararay Magaalada Muqdisho, kadib markii dagaalo looga itaal sheegtay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana lagala wareegay fariisimo muhiim ah oo ay Muqdisho ku lahaayeen.

Nuuradiin Macalin

cibaar31@hotmail.com

_______________________________________

Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi with Kenyan Foreign Minister Ali Chirau Mwakwere.